
Dowladda Kenya ayaa waxay soo dhaweysay warbixintii ay soo bandhigeen guddiga xaqiiqo raadinta ee loo xil saaray in ay baaraan sheegashada Dowladda Soomaaliya ee ah in Kenya faragelin ku hayso arimaheeda gudaha ayna hubeyso maleeshiyad si ay u qalqal geliyaan amaankeeda.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in warbixinta guddiga ay cadeynayso xaqiiqda ah in gabi ahaanba aysan sal lahayn eedeymaha dowladda Soomaaliya u soo jeedisay Kenya.
“Dowladda Kenya waxaa ay ku qanacsantahay warbixinta guddiga, warbixinta waa mid cad oo ku saleysan xaqiiqo” ayaa lagu yiri war-saxaafadka.
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hor timid warbixinta guddiga, waxayna ku tilmaamtay mid aan xaqiiqada ka turjumayn.
Hoos ka akhriso

Post Views:
45
More Stories
Angola oo Soomaaliya iyo Kenya u soo magacaawday hal safiir – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Ku dhawaad 25 qof oo ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay Masar
Saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey + Magacyada