
(Liverpool) 22 Jan 2021. Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qabtay shir jaraa’id si uu uga hadlo guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Burnley, kulankii horyaalka ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Anfield.
Burnley ayaa jabisay rikoorkii garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga dkaatay kooxda Liverpool 0-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Premier League, Reds ayaana haatan 6 dhibcood ka dambeysa hoggaamiyaasha horyaalka ee Manchester United.
Haddaba macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:
“Had iyo jeer waa qaladkeyga, marka arrimuhu aysan si fiican u socon waa aniga qaladkeyga, marka ciyaartoydu ay shaqo fiican qabtaan waxaa ku mahadsan iyaga, marka ay si xun u ciyaaraana qaladka aniga ayaa iska leh.”
“Waxaan guuldarreysanay ciyaar aan macquul aheyn in nalaga badiyo, caawa waxaan helnay laba fursadood oo aan goolal ku dhalin karnay, haddii aan goolal dhalin lahayn, ciyaarta ayaa noqon laheyd mid gaar ah, laakiin ma aanan sameynin taas, ma rumeysan karo in nalaga badiyay kulanka, laakiin tani waa waxa dhacay.”
“Ma jiraan wax dhibaato jireed ah, waxaan helnay nasasho kabadan intii aan helnay labadii sano ee la soo dhaafay, dhibaatada ayaa ah in qaar ay iska indha tiraan waxa ciyaartoydan ay sameeyeen labadii sano ee la soo dhaafay.”
“Laakiin tani maaha guuldaradii ugu horaysay mana noqon doonto tii ugu dambaysay, maanta ma aanan abuurin fursado, mana ahan tabar dari ama ay awoodeena yaraatay, laakiin waxaa sabab u ah go’aan qaadashada garoonka oo aad u liidata, tani hadda waa dhibaatadeena, waa inaan ka shaqeyno.”
Gool FM.
More Stories
Arsenal oo kula dagaalameysa Liverpool saxiixa xiddig ka ciyaara horyaalka Bundesliga – Gool FM
Jürgen Klopp oo ka hadlay dhibaatada Liverpool kaddib guuldarradii ka soo gaartay Chelsea – Gool FM
Muxuu Tuchel ka yiri guushii ay kooxdiisa Chelsea kaga gaartay Liverpool horyaalka Premier League? – Gool FM