Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

March 5, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Faah faahin:-Al-shabaab oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka…


Wararka aan ka heleyno Gobolka shabeellaha Dhexe ayaa sheegayaan in Al-Shabaab ay la wareegeen gelinkii dambe ee shalay dhul ballaaran oo hoostaga degmooyinka Raage-ceelle iyo Jowhar.

Al-Shabaab ayaa la wareegtay tuulooyinka ay ka mid yihiin Warciise oo 15-20km u jirta Jowhar, iyo sidoo kale tuulooyinka Qoordheere, Jabada carbeed, Geyfo iyo Daba-gaab oo hoostaga degmada Raagaceelle.

Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa iney qiyaastii 10km u jiraan degmada Raagaceelle, halka ay tuulooyin hoostaga Jowhar ay la wareegeen sida wararku sheegayaan.

Shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa cabsi iyo walaac badan ka dareemaya dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Al-shabaab iyo goobaha cusub ee ay qabsadeen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Al-Shabaab ayaa sidan oo kale la wareegtay degaanka Mashallaay oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

The post Faah faahin:-Al-shabaab oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka… appeared first on Mareeg.com somalia, World News and Opinion..



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?