January 14, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Ronald Koeman oo ka hadlay xaaladda Lionel Messi… (Miyuu Kabtanka Barcelona ciyaari doonaa kulanka fiinaalka Spanish Super Cup?) – Gool FM




(Barcelona) 14 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa xalay usoo gudubtay kama dambeysta tartanka Super Cup-ka dalka Spain kaddib markii ay rigooreyaal kaga adkaatay dhiggeeda Real Sociedad.

Blaugrana ayaa ciyaartaas 120 daqiiqo ku dhammeysatay la’aanta haldoorkooda Lionel Messi isagoo la tacaalayay dhaawac yar oo aan la shaacin halka uu ka soo gaaray.

Xaaladda Messi ayaanan wali la xaqiijin xilliga ay soo hagaagi doonto iyo goorta uu garoonka ku soo laabanayo, waxaana shakiga laga qabo taam ahaanshahiisa nal ku shiday tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman.

Macallinka reer Netherlands oo saxaafadda la hadlay kaddib guushii dhibka badneyd ee xalay ayaa daaha ka rogay inuusan hubin xaaladda kabtanka kooxdiisa, suuro galna ay tahay inuu qayb ka noqon waayo kulanka fiinaalka tartankan.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa kama dambeysta tartanka Spanish Super Cup ku sugeysa midkood Real Madrid iyo Athletic Club kuwaasoo caawa kulankooda la ciyaari doono, waxaana la suureysan karaa in kulanka final-ka uu noqdo El Classico haddii ay Los Blancos soo gudubto.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?