January 14, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kenya oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ee duleedka Mandera


Nairobi (Caasimada Online) – Booliiska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen gaari Bas ah oo ka ambabaxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi.

Weerarka oo ahaa mid dhabagal ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada galbinayey gaarigaas iyo raggii weerarka qaaday.

Qoraalka ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu sheegay in gaariga ay la socdeen illaa 25 qof, islamarkaana ay dhamaantood nabad qabaan.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey oo ay tilmaameen inay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya.

“Dhamaan Ciidamada waa ay nabad qabaan iyo dadkii saarnaa Gaariga baska ah, kuwii na soo weeraray waxaa ay u soo gudbeen dhanka xaduudka Soomaaliya waana ku raad joognaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya.

Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa intaas ku sii daray “Baska wuxuu ku wajahnaa Takaba. Isaga oo 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan boosteejada wuxuu arkay laba gaari oo 500 mitiri u jirta wuxuuna hoos u dhigay xawaaraha baabuurka. Kalkii dambe waxaa rasaas lagu soo furay dhanka darawalka gaariga,”.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?