
Baydhabo (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan & wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Swan iyo wafdigiisa ayaa haatan kulan Albaabada u xiran yihiin la leh madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada-hadlayaan xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.
Safarka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli halkiisii yahay is mari-waaga doorashada ee u dhexeeya dowladda & mucaaradka
Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda dhexe, iyada oo la filayo inay billowdo doorashada, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana arrimahan ay ku soo beegmayaan, xilli ay dowladdu ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka.
More Stories
Fadeexo kadhalatey Dagaalkii Baled Xaawo Askar lalaayey iyo Qaar lasiidaayey
Al-Shabaab oo soo saaray amar lagu ciqaabayo dekedaha Puntland iyo Somaliland
Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga oo kormeer shaqo ku tagay deegaano hoos taga Galmudug “SAWIRRO”