

(Madrid) 14 Jan 2021. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lagu soo warramayaa inuu xiiso badan ka helayo kooxaha Ingiriiska ugu tunka weyn ee Manchester United iyo Liverpool, si la mid naadiga Paris Sain-Germain.
Waa arrintaas saldhig u ah inuu ku jiro lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa, siduu kalena marka la gaaro xagaaga uu koox walba si bilaash ah ugu biiri karo.
Ramos ayaa dhowaan iska diiday qandaraas hal sano ah oo ay usoo bandhigtay naadigiisa, waxaana ay taasi sii kordhisay shakiga badan ee ku hareersan mustaqbalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya inay jirto kaliya hal qof oo kaalin weyn ku leh go’aanka mustaqbalkiisa, waana xaaskiisa.
Pilar Rubio oo ah marwada u dhaxda difaaca xulka qaranka Spain ayaa door weyn ka qaadan karta bar-dhammaadka xiga ee seygeeda, balse warbaahinta Spain ayaa warineysa in Pilar ay ku faraxsan tahay nolosha magaalada Madrid, sidoo kalena ay dooneyso inuu seygeeda baaqi ku sii ahaado Los Blancos.
Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos ayaa wada xaajood la billaabi kara koox walba oo ka dhisan meel ka baxsan dalka Spain, halka Real Madrid ay wali ku qancin karto xiddigooda inay sii heystaan haddii ay usoo bandhigaan heshiis uu ku qanci karo.
Gool FM.
More Stories
Manchester United oo heli karta adeega xiddig muhiim ah ee ka tirsan kooxda Juventus – Gool FM
Muxuu ka yiri Jurgen Klopp guuldarradii kooxdiisa Liverpool ay kala kulantay Burnley?? – Gool FM
Burnley oo jabisay rikoorkii garoonka Anfield, kaddib markii ay saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Liverpool… +SAWIRRO – Gool FM