January 14, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Arsenal oo wada hadallo la billawday wakiilka tababare ka shaqeeya Premier League si uu u beddelo Mikel Arteta – Gool FM




(London) 14 Jan 2021. Inkastoo Arsenal ay kulammadii ugu dambeeyay guulo gaareysay, misena maamulka Gunners waxaa wali maankooda ku jira inay shaqada tababare ka beddelaan Mikel Arteta oo hadda majaraha u haya kooxdooda.

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay billawdeen wada hadallo u dhexeeya Arsenal iyo wakiilka awoodda badan ee Jorge Mendes si uu u dhammeeyo qorshaha Macallin Nuno Espirito Santo lagu keenayo kursiga looga arrimiyo Emirates Stadium.

Mikel Arteta ayaa dareemaya wali cadaadis ku aaddan shaqadiisa, walow saddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League kooxdiisa uu guul gaarsiiyay, iyadoo xisaabtu aysan ka marneyn guushii FA Cup-ka.

Arsenal ayaa horraantii xilli ciyaareedkan ku sigatay inay ka qayb noqoto saddexda koox ee ku jira goobta loogu laabto horyaalka heerka labaad, iyadoo dusha u ridatay toddobo guul darro oo horyaalka ah10 kulan gudahood.

Tan iyo markaas, maamulka Arsenal ayaa isku howlay inay shaqada ka badelaan kabtankoodii hore ee Arteta, waxaana hadda ay wararku sheegayaan inay wada xaajood la billaabeen tababaraha kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo.

Macallinka reer Portugal ayaa u muuqda hoggaamiye xirfad wanaagsan marka loo eego natiijooyinka wacan ee uu horseeday naadigiisa tan iyo markii ay kusoo laabteen horyaalka Premier League.

The Sun ayaa warineysa in Mendes uu kala hadlay Gunners soo xero galinta Nuno, kaasoo hadda Wolverhampton Wanderes kula jira heshiis dhacaya 2023.

46-jirkan Wolves ku hoggaamiyay kusoo laabashada Premier League iyo inay ka qayb galaan tartanka Europa League ayaa ku faraxsan shaqada uu u hayo naadigiisa, balse wakiilkiisa ayaa doonaya inuu macallinkan hore u dhaqaaqo, isla markaasna uu naadi weyn hoggaamiye u noqdo.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?