January 13, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Fabinho oo ka hadlay wararka la xiriira in Mohamed Salah uu ka tagayo kooxda Liverpool – Gool FM




(Liverpool) 13 Jan 2021. Xiddiga reer Brazil iyo kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa xaqiijiyay in wararka xanta ah ee daba socda laacibka reer Masar ee Mohamed Salah ay sabab u tahay inuu ka mid yahay ciyaartoyda waa weyn ee kubadda cagta.

Waxaa jiray dhawaanahan warar xan ah ee sheegayay in Mohamed Salah uu ka tagayo kooxda Liverpool, maadaama uu muujiyay sida uu u jecel yahay Real Madrid iyo Barcelona kaddib wareysi uu bixiyay bishii hore.

Fabinho ayaa u sheegay shabakada caanka ah ee “Sky Sports”:

“Xanta ayaa marwalba la xiriirta ciyaartoyda waa weyn, Salah wuxuu u ciyaaraa Liverpool, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka, waana wax iska caadi ah in magaciisa lala xiriiriyo kooxo kale.”

“Salah aad ayuu ugu faraxsanyahay halkan, wuxuuna ku faraxsanyahay waxqabadkiisa xiliciyaareedkan, wuxuuna doonayaa inuu noqdo kan ugu fiican, wuxuuna doonayaa inuu caawiyo kooxda isla markaana uu si adag uga shaqeeyo arintaas.”

“Tani markasta way jirtay oo haba yaraatee waxba isma bedelin, wuu sii wadaa dhalinta goolasha, taas oo ah waxa qof walba uu caadeystay inuu arko, qolka labiska, cid kasta ayuu la hadlaa markastana  wuu la kaftamaa.”

“Ciyaartoyda waa weyn had iyo jeer waxaa ku hareeraysan warar xan ah oo ku aadan inay u wareegayaan kooxo caan ah.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?