January 13, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Erling Haaland oo go’aan lama filaan ah kaga yaabsaday kooxaha Real Madrid iyo Barcelona – Gool FM




(Borussia) 13 Jan 2021. Xiddiga reer Norway iyo kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa ka nixiyay kooxaha ugu awooda badan Spain iyo guud ahaan Adduunka ee Real Madrid iyo Barcelona, kuwaasoo doonayay inay helaan saxiixiisa xagaaga soo socda.

Real Madrid ayaa si xoogan loola xiriirinayay mudadii ugu dambeysay raadinta saxiixa gooldhaliyaha reer Norway ee Erling Haaland, si uu u noqdo hubka ugu weyn ee garoonka Santiago Bernabeu, iyadoo ciyaaryahanka uu dhawaan soo galay bar-tilmaameedyada naadiga Barcelona.

Wargeyska “Bild” ee dalka Germany ayaa soo wariyay in Haaland uusan ka tagi doonin kooxda Borussia Dortmund, madaama uu go’aansaday inuu sii wado u ciyaaro Dortmund xilli ciyaareedka soo socda, sababa la xiriira inuu ku faraxsan yahay garoonka Signal Iduna Park.

Tani waxay imaaneysaa saacado un kaddib markii saxaafada Catalonia ay sheegtay in Mino Raiola, oo ah wakiilka Erling Haaland uu doonayo in xiddigan uu u wareejiyo garoonka Camp Nou wax walba ay ku qaadato waqtiga soo socda.

Wargayska “Bild” ee dalka Germany ayaa xaqiijiyay in uu xiddigan aad ugu faraxsanyahay Borussia Dortmund, xilli aysan kooxda la kulmin wax cadaadis ah ee ku qasbi kara inay lumiso adeegiisa xilli hore.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?