January 13, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Balanbale: Shan qof oo loo dilay aano Qabiil


Maleeshiyaad hubeysan ayaa Arbacadii weerar ku dilay shan qof oo rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Xirsi Lugeey duleedka magaalada Balanbale ee gobalka Galgaduud.

Weerarkan ayaa la sheegay in maleeshiyaadkan ugu aargudayeen saraakiishii kasoo jeeday deegaanka Balanbale oo lagu dilay duleedka magaalada Gurcieel bishii December.

Maamulka Galmudug ayaa horey dadaal ugu jiray in lasoo qabto kooxihii ka danbeeyey weerarkii 6da sarkaal lagu dilay nawaaxiga Guriceel 9kii bishii December 2020, walow illaa iyo hada aan sharciga la keenin kooxdii weerarkaas hore ka danbeysay.

Dilkan ka dhacay nawaaxiga Balanbale ayaa laga cabsi qabaa inuu dab kusii shido xiisadan iyo aanada qabiil ee amniga deegaankaasi saameynta weyn ku yeelatay.

Horseed Media



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?