Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 25, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Faah faahin:-Dil naxdin leh oo ka dhacay ka dhacay Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.


Rag hubeysan ayaa xalay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana laga kasoo baxaya faah faahino dheeraad.

Dilka loo geystay Wiilka dhalinyrada ahaa ayaa ka dambeeyay, kadib markii ragii hubeysan oo burcad ahaa ay dhac u geysan rabeen markii horey, hayeeshee uu wiilka ka diiday uga yimid ragga oo ahaa in Tefeloon gacanta uu ku watay uu sii dhhibo.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Wiilka uu diiday inuu telefoonka uu dhiibo, balse markii dambe ayey burcada toogteen, kuwaasi oo la lebisnaa deriska Ciidanka dowladda.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ganey, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka, isla markaana waxaa goobta uu falkaas ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen dilkaasi iyo howl-gallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada Booliiska. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudddooyinkii dambe ku soo badanayey falalkala xiriira dhaca, iyada oo isa soo tareysay cabashada ka soo yeereysa dadweynaha.



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .