
Muqdisho-KNN-Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee ARFICOM Gen. Stephen Townsend ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay madaxweynaha dalkaasi Uhurru Kenyatta.
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Kenyatta iyo isaga ay ka wada hadleen arrimo badan.
Stephen ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale kulankooda uu ku wehliyay Taliyaha Ciidamada Difaaca ee dalka Kenya Gen.Robert Kobochi iyo Safiirka Mareknaka dalka Kenya u fadhiya ee Kyle McCarter.
Waxyaabihii ugu mihiimsanaa ee ay ka wada hadleen ayaa ahaa sii xiijinta xiriirka dhinaca iskaashiga ah ee dalalka Mareykanka iyo Kenya, gaar ahaan taageerada militeriga ee uu Mareykanku siiyo Kenya.
Ciidamada Kenyaanka ah ee ka qayb qaadanaya hawlgallada ka dhan ah Al-Shabaab gudaha Soomaaliya ee AMISOM ayaa ka mid ahaa waxyaabihii kulankaasi lagu soo hadal qaaday, maadaama dawladda Soomaaliya ay horay u shaacisay in ay gebi ahaanba xiriirkii u jartay Kenya, sababo faro gelin arrimaha Soomaaliya ah.
Sidoo kale kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Mareykanku qorshaynayo in Ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya uu dib ugala baxo, sida uu horay u balan qaaday madaxweynaha laga guuleystay ee dalka Mareykanka Donald Trump.
Trump, ayaa sheegay in ballan qaadkiisan uu fulin doono ka hor inta uusan ka tagin Aqalka cad ee Marekanka.
Post Views:
1
More Stories
QM oo sheegtay In ay kordheen Tiradda dadka guryahooda ka barakaca. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
TOOS: Munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha oo ka socota Villa Somalia
Maxbuus ku geeriyoodey xabsiga Qardho kadib markii jir-dil loo geystey