Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Warbixin: Degmooyinka ay banaanbaxyadu ka dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Dadka ku nool gobalkaaan Banaadir ayaa saakay ku soo toosay ciidan boolis iyo Milateri ah oo xiray qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho, waxaana la diidanaa, gaadiidka dadweynaha, kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo gaadiidka wada carruurta Iskuulada dhigata, halka goobaha qaarna aan loo ogoleyn dadka lugeynaya oo ay ku jiraan shaqaalaha dowladda iyo ciidanka Qaranka.

Xiritaanka wadooyinka Muqdisho ee saakay ayaa soo bilaawday xalay saqdii dhexe, waxaana la sheegayay in qorshuhu ahaa in lagu baajiyo Banaanbax dowladda looga soo horjeeday oo laga abaabulay degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Banaanbixii ay dowladda damacsaneed in la baajiyo ayaa barqadii maanta si weyn uga bilaawday waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Cabdulcasiis waxaana meelaha qaar bar-bar socday isku dhacyo u dhaxeeya ciidanka booliska Soomaaliya iyo kuwa Milaterigaa ah.

Banaanbaxayaasha saakay isugu soo baxay degmooyinka qaar ee Muqdisho ayaa watay borar ay ku qornaayeen erayo lagu diidan yahay Madaxweynaha waqtigiisu Gabaabsigu yahay ee Maxamed Cadullaahi Farmaajo laguna dalbanayay in la qabto doorasho waqtigeeda ku dhacdo oo lagu qanacsan-yahay.

Qaar kamid ah dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa warbaahinta la hadlay waxayna faahfaahin ka bixiyeen sababta ay usoo abaabuleen banaanbaxaan iyo waxa ay cabashadooda ku saleysantahay         

Goobjoogayaal ku sugan degmada Yaaqshiid ayaa Idaacada kulmiye u sheegay in isku dhacyo u dhaxeeyo ciidan ka tirsan booliska Soomaaliya iyo kuwa milateri ah uu ka dhacay Isgoyska Fagax, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 qof.

Hoos ka dhageyso warbixintan oo intaas ka dheer Weriyaha Idaacadda Kulmiye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa noo diyaariyey.



Post Views:
545



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .