Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Muuse Biixi oo la kulmay Raila Odinga






Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay la kulmay ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Fariin uu bartiisa twitter-ka soo dhigay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa waxa uu ku sheegay in Raila ay ka wada hadleen arrima la xiriira amniga iyo hormarka deegaanka.

Mr Biixi iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalintii Axadda ahayd soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sidoo kale inta ay Kenya ku sugnaayeen waxaa ay kulamo la qaateen madaxweynaha Kenya iyo masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.

Kulanka ayaa yimid xilli Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Kenya ka dib markii ay ku eedeysay in ay faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dublomaasiyiinteeda Soomaaliya in uu si deg deg ah uga soo baxo dalka Kenya,iyada oo sidookalana dowladda Soomaaliya ay amartay in duplomaasiyiinta Kenya ay 7 cisho dalka uga baxaan.






Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .