
Kabul-KNN-Ku xigeenkii guddoomiyaha gobolka Kabul ee caasimada u ah dalka Afghanistan Maxbuubullaahi Max’ed ayaa ku geeriyooday qarax miino oo wadada loo dhigay, xilli uu shaqadiisa u socday.
Guddoomiye Maxbuubullaahi oo sidoo kalena ahaa ku xigeenkii duqa caasimada Kabul, waxaana lagu qarxiyey meel aan ka fogeyn xafiiskiisa.
Mas’uuliyiinta ammaanku waxay sheegeen in miinada lagu dilay guddoomiye ku xigeenka caasimada Afghanistan ay aheyd mid dhulka lasii geliyay.
Qaar ka mid ah ilaalidiisii iyo xog’hayntiisii gaarka ahaa ayaa sidoo kale qaraxaas ku geeriyooday.
Dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay dhawr weerar oo ka dhacay caasimadda Afghanistan khasaare nafeed ayaa ka dhashay.
Post Views:
20
More Stories
Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarka hotel Xayaat oo ay weli ku jiraan Al-Shabaab
Caruur iyo haween laga soo badbaadiyey hotel Xayaat iyo kuwo weli ku go’doonsan
Barnaamijka Murti iyo Maaweelo (19-08-2022) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia