November 30, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Wasiirka arrimaha dibadda oo maanta kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya ee Kenya Tarsan – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kadib markii loogu yeeray shalay inuu dalka dib ugu soo laabto, si loola yeesho wadatashi ku qotoma xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa talooyin iyo tilmaamo siiyay Danjire Tarsan, sidoo kale Danjiraha ayaa wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal.

“Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yeeratay safiirkeeda Nairobi wadatashi, halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo ka jawaabeysa faragelinta qaawan ee kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.



Post Views:
87



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?