November 30, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Shirkii Gudiga Fulinta JWXO oo Maalintii 3aax Galay. Waxaa si habsimi leh Xarin…

Shirkii Gudiga Fulinta JWXO oo Maalintii 3aax Galay.

Waxaa si habsimi leh Xarinta Dul-qabow ee Magaalada Jigjiga uga socda shirkii Gudiga Fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Shirkan oo galay maalintiisii 3aad ayaa lagu qaadaa dhigay howlo badan oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaalida Ogadenia iyo waliba habsami usocodka howlaha ururka.

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi oo socdaal shaqo ugu maqnaa dhinaca Magaalada Addis Ababa ayaa laga dhagaystay warbixin gudo balaadhan, wuxuuna Gudoomiyuhu Gudiga Fulinta ee JWXO hor dhigay ajandayaal dhaxal gal ah oo in laga doodo mudane.

Sidoo kale Gudiga Fulinta ee JWXO ayaa shakhsi shakhsi uga warbixiyay shaqadii uu umada uhayay iyo wixii uqabsoomay, isagoo hogaan kasta sooban dhigay aqabadihii kahoryimid.

Shirka Gudiga Fulinta ee JWXO oo soogabagabooni doona maalinta bari ah hadii Alle Idmo ayaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan qodobo dhaxal gal ah.

Q/M







Qorahay News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?