November 30, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Gantaalo lala beegsaday 3 magaalo oo ku yaal waqooyiga Mali.






Magaalooyinka Kidal, Gao iyo Menaka ee dhaca waqooyiga Mali ayaa hal mar lala beegsaday weerar gantaalo  ah.

Weerarkaan ayaa ahaa mid ka dhan ah xeryaha military ee ay degganyihiin ciidamada shisheeye sida uu sheegay sarkaaal ka tirsan UN-ka.

Suleymaan Maxamed oo deggan magaalada Kidal ayaa sheegay inuu maqlay dhawaq gantaalo oo ka imaanya jihada xero ay degganyihiin ciidamada nabad ilaalilnta Qaramada Midoobe ee dalkaas ku sugan.

Sarkaagl ka tirsan Qarmada Midoobe oo aan shaacin magaciisa ayaa sheegay in weerar gantaalo loo adeegsay lagu qaaday maanta oo Isniin ah xero ku taal Kidal sidoo kalena waxaa weeraro nuucaan oo kale lala beegsaday magaalooyinka Gao iyo Menaka.

Weerarada lagu qaado xeryaha ciidamada caalamiga ah ee jooga  dalka Mali ayaa ah kuwa soo noqnoqda, laakiin waa markii ugu horeysay ee dhowr magaalo hal mar lagu qaado weerar nuucaan ah.






Radio Muqdisho

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?