
Gaalkacyo-KNN-Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta lagu dilay Allaha u naxariistee Nadiir Sheekh Maxamed oo ahaa Nabadoon caan ah oo si weyn looga yaqiinay magaalada.
Marxuumka ayaa laga toogtay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana dilkiisa ka soo baxaya warar kala duwan, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in loo dilay aano qabiil.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninka dilka geystey uu goobta ka baxsaday, hase yeeshee la aqoonsaday, waxaana diiqiiqdo kadib tegay halkii uu dilkaasi ka dhacay ciidamo ka tirsan booliska Puntland, kuwaas oo meydka marxuumka goobta ka qaaday.
Wararkii u dambeeyey ee naa ka heleyno waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay isku hareereeyeen xaafadaha ku teedsan halka uu dilku ka dhacay, isla markaana ay bilaabeen howlgallo lagu baacsanayo raggii geystay dilka Nabadoonka.
Post Views:
118
More Stories
Abwaan Weedhsame oo Wra cusub soo saaray
Maraykanka oo Taliban ku wareejiyey maxbuus ku xidhnaa Guantanamo Bay. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay labo qof oo shacab ah – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia