November 28, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Deportivo Alaves oo guul ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano… +SAWIRRO – Gool FM




(Madrid) 29 Nof 2020. Deportivo Alaves ayaa guul ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybbtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Deportivo Alaves.

Daqiiqadii 5-aad ee bilawgii ciyaartaba kooxda Deportivo Alaves ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lucas Perez, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Alaves.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Deportivo Alaves ayaa la timid gool labaad waxaana ciyaarta 0-2 ka dhigay Joselu, kaddib markii uu ka faa’ideystay qalad uu sameeyay goolhaaye Thibaut Courtois.

86 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Real Madrid ayaa la timid gool, waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Brazil ee Casemiro.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-2 ay Deportivo Alaves kaga soo adkaatay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, xilli kulankan uu qeyb ka ahaa kulamada Toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?