November 22, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Shirka midowga musharaxiinta oo wajigiisa labaad galay iyo wararkii u dambeeyey – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Waxaa maanta wajigiisa labaad gelaya shirka wada-tashiga ee midowga musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Inta badan shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo dib ugu laabashada hanaanka loo maray guddiyada ay dowladdu u magacowday in ay maamulaan doorashada.

Musharaxiintan ayaa gadoodka ugu badan ka qaba in guddiyada magacaaban ay maamulaan doorashada dalka, iyagoo aaminsan in aysan doorashadu noqonayn mid xor ah iyo xalaal ah, maadaama sida ay sheegeen xubnaha guddiyadaas ay yihiin kuwo laga soo kala xushay NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Intooda badan musharraxiintan waxay Muqdisho soo gaareen maalmihii u dambeeyey, waxayna isku baheysteen gadood ay ka qabaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka oo ay madaxtinimadiisa u wada hanqal taagayaan.

Musharaxiinta maalinkii labaad uu shirkoodu gelayo ayaa kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale, waxaana lagu wadaa in Isniinta berri ah ay war-murtiyeed ka soo saaraan shirkooda.



Post Views:
45



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?