November 22, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Saddex Madaxweyne Hore Oo Loo Xil Saaray Saaray Xalinta Dagaalka Itoobiya.


CaptureNov 21, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Guddoomiyaha Midowga Afrika ee hadda iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Shakhsiyaad caan ah oo horay Madaxweyne uga soo noqday qaar ka mid ah dalalka Afrika u xil saaray in ay shaqeeyaan xal u helida Xaaladda Itoobiya.

Saddexda ruux ee loo xil saaray xaaladda gobolka Tigreeda ayaa kala ah Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Liberia iyo Kgalema Motlanthe, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.

“Shaqadooda ayaa ah dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Itoobiya’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Bayaanka ayaa la siidaayay kadib wadahadalo dhexmaray madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Madaxweyne Ramaphosa wuxuu muujiyay mahadcelintiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Mudane Abiy Ahmed ee aqbalay qorshahan, wuxuuna cadeeyay wada shaqaynta dawlada Itoobiya ee fududaynta shaqada Wakiilada Gaarka ah.

Cadceednews Hargeysa



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?