November 22, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Roobab xoogan oo qaybo kamid ah ay dabaylo wataan ayaa saacadihii ugu dambeeyey …

Roobab xoogan oo qaybo kamid ah ay dabaylo wataan ayaa saacadihii ugu dambeeyey ka hoorayey deegaamo dhowr ah oo katirsan bariga durugsan ee Puntland gaar ahaan Gobolada Gardafuu Bari iyo Karkaar.

Degamada Xaafuun oo ka tirsan Gobolka Karkaar ayaa lagu soo waramayaa in ay ka da'een Roobab dabeylo wata oo khasaare hantiyeed geystay.

Wararka SBC ay helayso ayaa sheegay in ay go'anyihiin Khadadka taleefannada qaar ka mid deeganada ay Roobabku ka da'een waxaana sida oo kale jira Guryo dumay oo ay ku jiraan dhismayaal ay leeyihiin shirkado isgaariineed oo deegaanadaasi ku yaal .

Waxaa adag in la helo xog buuxda oo ku saabsan Roobabka ilaa maanta ka dayay deegaano ka tirsan Gobolada Bari Gardafuu iyo Karkaar ee Puntland

Wixii soo kordha la soco SBC Somali TV




SBC News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?