October 31, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kooxaha Deportivo Alaves iyo Barcelona oo barbaro ku kala baxay…. +SAWIRRO – Gool FM




(Spain) 01 Nof 2020. Kooxaha Deportivo Alaves iyo Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Deportivo Alaves.

Daqiiqadii 31-aad kooxda Deportivo Alaves ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Luis Rioja.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

64 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd kooxda Barcelona ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga reer France ee Antoine Griezmann.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah, waxayna labada kooxood ku qeybsadeen saddexda dhibcood garoonka Camp Nou, Blaugrana ayaana haatan ku jirta booska 13-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka La Liga.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?