October 31, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DAAWO:-Khadiijo Diiriye” Inta uu madaxweyne farmaajo joogo beesha caalamka waxba ugama baahnin”


Wasiirka wasaaradda gargaarka, maareynta iyo masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta hadal ka jeedisay xaflad loogu soo dhaweynayey wasaaradan oo ay ku cusubtahay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku filaansho gaaraan.

Waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ceeb ku tahay inay gargaar caalami ah dalbadaan, iyagoo heysta madaxweyne Farmaajo.

“Dadkeenu waxay dhahaan beesha caalamku hana soo gaarto, sidee dad dowlad leh beel caalam wax u weydiistaan? Sidee dad madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kale heysta ay beel caalam wax u weydiisan karaan? Sidee umad islaam ah oo Alle abuurtay ay bini’aadan kale wax u weydiisan karaan?,” ayey tiri wasiir Khadiija Diiriye.

Waxay dadka ka dalbatay inay Ilaah tala saartaan, “Guud ahaan dowladda iyo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo maanta meel ayey soo gaartay,” ayey tiri.

Khadiija Maxamed Diirye ayaa lagu tiriyaa wasiirrada sida weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxayna tan iyo markii uu Farmaajo tala qabtay aheyd wasiir ka tirsan dowladda uu hoggaamiyo.



Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?