Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Somaliland, Jabuuti iyo DDS oo iskaashi yeelanaya – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir la yeeshay  wafdi ka kala socotay dalka Jabuuti iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaas oo ka qeyb-galay furitaanka tartanka koobka gobollada Somaliland oo dhawaan ka furmay Hargeysa.

Masuuliyiinta uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah wasiirrada ciyaaraha u qaabilsan dalka Jabuuti, Xassan Maxamed kaamil iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, Cumar-Siyad Ibrahim Ahmed.

Sidoo kale Kulanka saddex geesoodka ahaa ayaa waxaa looga hadlay sidii iskaashi la xiriira dhanka Amniga ay yeelan lahaayeen, maadaama dowladda Jabuuti, Maamulka dowlad degaanka Soomaalida iyo Somaliland ay xaduud wada leeyihiin.

Mr Biixi  ayaa balan qaaday in Somaaliland dhankeeda ay adkeyneyso amniga xaduudaha, isla markaana iskaashi dhanka Amniga ay la yeelaneyso Ciidamada ilaalada Xaduudaha ee dowladda Jabuuti & Maamulka dowlad degaanka Soomaalida.



Post Views:
90



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .