October 22, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Kooxda Isbuuca ee Champions League oo la shaaciyey.. (Messi oo ka soo muuqday & Man United oo saddex laacib ku leh) – Gool FM


(Yurub) 22 Okt 2020. Shabakadda ciyaarahae ee Sports Mole ayaa soo saartay 11-ka xiddig ee ugu wanaagsanaa tartanka Champions League kulammadii la ciyaaray dhowaan ama kooxda isbuuca ee Champions League.

Waxaa shaxdan ka soo muuqday Lionel Messi, halka kooxda Man United ay noqotay tan xiddigaha ugu badan ku leh iyadoo ku yeelatay saddex ciyaaryahan.

Koobka horyaallada Yurub ee Champions League heerkiisa guruubyada ayaa todobaadkan dib u soo laabtay, waxaana 32-ka kooxood ay bilaabeen hardankooda ay ugu jiraan u soo bixitaanka wareegga 16-ka tartankan.

Manchester United ayaa guul kale oo xusuus leh ka soo gaartay Paris Saint-Germain oo ay booqatay, halka Manchester City iyo Liverpool ay guulo gaareen sidaas oo kale Chelsea ayaa barbaro gashay taasoo ka dhigan in kooxaha ka socda Premier League ay wacdaro ku bilowdeen tartanka koobka horyaallada Yurub xilli ciyaareedkan.

Kooxda 13-ka goor ku guuleysatay Koobka horyaallada Yurub ee Real Madrid ayaa guuldarro lama filaan ah kala kulantay naadiga Shakhtar Donetsk, iyadoo weliba lagu ciyaarayay garoonkeeda.

Bayern Munich ayaa dhankeeda ku barbaratay Atletico Madrid, waxaana ay uga adkaatay 4-0, Barcelona ayaa dhankeeda karbaashtay Ferencvaros, kooxda reer Talyaani ee Atalanta BC ayaa iyaduna gooldhalinteeda sii wadata.

Haddaba shabakadda Sports Mole ayaa soo bandhigtay kooxda isbuuca ee Champions League kaddib markii kulamadii koowaad la ciyaaray.

Man United ayaa saddex ku yeelatay, Bayern Munich ayaa labo laacib ku leh, halka Shakhtar, Juventus, Barcelona, Atalanta, Liverpool iyo RB Leipzig ay min hal xiddig ku leeyihiin.

Halkaan hoose ka eeg shaxda isbuuca ee Champions League oo ay soo saartay Sports Mole:-

Gool FM.





Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?