
Booliiska magaalada Guriceel ayaa Gacanta ku dhigay Hibo Maxamed Xasan oo shalay laga soo afduubay magaalada Mogdisho.
Hibo ayaa sheegtay in loo diray adeeg kadibna lagu dhuftay Cirbad Daraagis ah , taasi oo keentay in gabarta la geeyo meel laga raro baaburta Gobalada, iyadoo waxna diidi karin laguna dhahay safar habeen iyo maalin qaadan doono ayaad galeysaa is diyaari.
Waxaana wali noo suurta galin inaan wareesano Masuulkii gaariga hibo saarneed waday.
HIbo Maxamed Xasan iyo dadkii kale ee la socday ayaa iminka lagu hayaa saldhiga booliska magaalada Guriceel, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.
More Stories
Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Aduunka. – Radio Muqdisho
Somaliland oo xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Coldoon
maxeey tayay fariinta uu Biden u direy Kim Jon-un? – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia