October 18, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Sawirro: Jawaari oo ka dagay Baydhabo iyo ujeedka


Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka  Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Jawaari ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaatigadiid ugu hortegay, soona dhoweeyey, guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano, wasiiro ka tirsan maamulkasi iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka socdaalka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo dhowaan ka dhaceysa halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in afhayeenkii hore ee baarlamaanka dalka oo deegaan doorashadiisu ay tahay Koonfur Galbeed inuu kulamo la qaato madaxda maamulkaasi.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo sidoo kale wuxuu qaabili doono qeybaha kala duwan ee bushada, isaga oo u kuur-geli doono xaaladda guud ee magaalada Baydhabo.

Rugcadaa siyaasadeed Jawaari ayaa muddooyinkii dambe wuxuu fadhigiisu ahaa  Muqdisho oo uu ka waday kulamo siyaasadeed oo ku aadan doorashada 20/21.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?