October 18, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Macallin Ole Gunnar Solskjaer oo qiray xilliga uu Donny van de Beek ku soo bilaaban doono safka hore ee Man United – Gool FM




(Manchester) 18 Okt 2020. Macallinka Kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in saxiixa xagaaga ee Donny van de Beek uu heli doono fursaddiisa uu safka hore ugu soo bilowdo kaddib uu saameyn kale oo muhiim ah ku yeeshay kulankii xalay ay ka horjeedeen Newcastle United.

Man United ayaa xilli dambe saddex jeer tagtay shabaqa kooxda Magpies si ay taasi ugu xaqiijiso inay gaaraan guul 4-1 ah oo ku soo qaateen garoonka St James ‘Park, waxayna u ahayd natiijo muhiim ah kaddib bilowgii niyadjabka ahaa ee xilli ciyaareedkan.

Van de Beek ayaa ka soo kacay kursiga keydka iyadoo 14 daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaartii xalay oo Sabti ahayd, Man United ayaana aakhirkii ku soo duushay goolka kooxda ay booqatay guul muhiim ahna ka xaqiijisay, Tababare Solskjaer ayaana ku adkeysanaya in xiddigii hore ee Ajax inuu heli doono fursaddiisa ku bilaabashada sare kale isbuucyada soo socda, inkastoo uu heystay kaliya 59 daqiiqo haddana waxqabad muuqda ayuu ka sameeyey Premier League ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

“Wuxuu heli doonaa waqtigiisa ciyaarta, waxa uu ahaa mid cajiib u ah kooxda,” Solskjaer ayaa u sheegay Suxufiyiinta kaddib guushii Newcastle.

“Waxaan u maleynayaa inaad aragtay maanta iyo tababarka, waa qof nadiif ah oo hagaagsan, uma maleynayo inuu kubadda lumiyay hal jeer.

“Waxay ku saabsan tahay helitaanka isku dheelitirka kooxda, waxaan ku guuleysanay 4-1 maanta, waxaadna i weydiineysaa sababta aanan ugu soo bilaabin mid ka mid ah ciyaartoyda, saameyn aad u wanaagsan ayuu ku yeelan doonaa kooxda.”

Van De Beek ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey safashadiisii ugu horreysay ee Man United kulankii furitaanka oo ay guuldarro 3-1 kala kulmeen Crystal Palace, laakiin weli Solskjaer kuma soo bilaabin safka hore ee Premier League.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?