October 18, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

(Akhriso) Wasiir Goodax oo Baarlamaanka looga yeeray






Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka dalbaday wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre inuu hor yimaado golaha si wax looga weydiiyo imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan ay qaaday wasaaraddu.

Qoraal ka soo baxay guddigaas ayaa looga dalbaday wasiir Goodax inuu fadhiga golaha hor yimaado Arbacada soo socota.

“Anigoo fulinaaya amarka guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa inaad noogu timaadiin xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka, si aan wax kaaga weydiino natiijadii imtixaanka dugsiyada sare ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu ku saxiixanyahay Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Waxaan idinka rajeynaa inaad timaadaan xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 21-10-2020-ka.”

Dalabka golaha shacabka ee u yeerista wasiirka waxbarashada ayaa yimid kadib markii ay imtixaanka dowladda sanadkan ku dhaxeen in ka badan 8,000 oo arday, kuwaas oo 90% ah ardayda wax ku baratay gobolka Banaadir.






Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?