
Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shaaciyey in ay wadaan qorshihii u dambeeyay ee lagu furi lahaa dhammaan jidadka xiran ee magalaada Muqdisho, xilli xalay xaafadaha qaar laga qaaday dhagaxdii lagu jaray wadooyinka.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay arintaan ku soo gaba-gabeynayaan, sida uu balan qaaday.
Waxa uu xusay in horay sidaan oo kale uu balan-qaad u sameeyay, balse ay jireen duruufo amni oo u saamixi waayey inuu fuliyo balan-qaadkaas oo dhagaxda laga qaado wadooyinka xiran ee Muqdisho.
Weriyaha Idaacadda Kulmiye Yoonis Duraan Cali ayaa warbixintan nooga diyaariyay.
Post Views:
230
More Stories
Xog: Xamza maanta ma heli doonaa codka kalsnooida xildhibaanada labada aqal?
Abwaan Weedhsame oo Wra cusub soo saaray
Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo booqday…….