

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka amba-baxay garoonka Aadan Cadde ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimada dalka Suudaanta Koonfureed.
U jeedka safarka madaxweyne ayaa la xiriiro ka qayb-galka munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ay casuumad rasmi ah u soo dirtay dowladda Suudaanta Koonfureed, madaama uu markhaati ka ahaa heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Suudaan, kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweynuhu kulamo duceedyo uu la yeesho madaxda kala duwan ee ka soo qeyb-galeysa munaasabadda, kuwaas oo u badan kuwa gobolka.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey xoojisay xiriirka wadamada Afrika, iyadoo isbaheysi gaar ah la yeelatay dalalka dhaca geeska Afrika, sida Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti.
More Stories
Abwaan Weedhsame oo Wra cusub soo saaray
Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay labo qof oo shacab ah – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Lix Siyaabood oo aad uga hortagi karto Bidaarta