Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 18, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Xildhibaanada labada Aqal ee BF oo kulan wadajir ah ku ansixiyey heshiiskii doorashada – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa cod u qaaday heshiiska doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in 252 xildhibaan ay ogolaatay ansaxinta sharcigaas.

Tirada guud ee xildhibaanada uu kooramku furmay ayaa ahaa 255 mudane, waxaana ka aamustay laba xildhibaan, halka mid kalena uu diiday.

17-kii bishan ayey Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyadu Villa Soomaaliya ku gaareen heshiiskan oo 15 qodob ka kooban.

Qodobka 11-aad ee heshiiskaas ayaa dhigayey in la hor geeyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan, waxaana la hor geeyey maanta oo ay ansixiyeen.



Post Views:
309



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .