Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 27, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Jubaland oo soo dhaweysay Ansixinta Baarlamaanka ee heshiiskii Doorashada 2020/21


Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

… waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena ayuu yiri Madaxweynahu.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Gaba gabadii Waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay.

Horseed Media



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .