Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 28, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Baarlamaanka Federaalka oo cod Aqalabiyad ah ku ansixiyey heshiiskii Doorashada 2020/21


Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay si ay u ansixiyaan Heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa cod u qaaday ansixinta heshiiskan.

Kulankan oo ay ku sugnaayeen inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal intooda Muqdisho ku sugan ayaa waxaa khudbado kooban kadib codka loo qaaday ansixinta heshiiskan.

252 Xildhibaan ayaa taageeray heshiiskan, halka ay diideen 2 xildhibaan waxaana ka aamusay 1 xildhibaan.

Ansixinta heshiiskan ayaa meesha ka saareysa walaacii laga qabay in Baarlamaanka horjoogsado heshiiskii muddada dheer kasoo shaqeenayeen Villa Soomaliya iyo Madaxda Dowlada Gobaleedyada.

Xildhibaanada ayaa sheegay inaysan waxna ka bedaleen qodobada heshiiska maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed, balse waxay raaciyeen hal lifaaq oo la xariira qaabka soo xulista Ergada oo ay sheegeen sida loo qoray in la saxo, iyagoo codsaday in laga dhigo in Ergada Xildhibaanada soo dooraneysa ay soo xulaan Issimada & Bulshada Rayidka, halka Dowlad Gobaleedka kaalinteedu tahay diiwaangelinta.

Maxamed Cismaan
Horseed Media



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .