Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 18, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Doorasho deg deg ah oo looga dhawaaqay Falastiin – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Dhinacyada Falastiiniyiinta ayaa isku raacay in Dalka  Falastiin ay Doorashooyiinka Guud ay ka dhacaan Lixda Bilood ee Fooda nagu soo haaya sida ay sheegeyaan wararka ka imaaneya Janhuuriyada Falastiin.

Waklaalada wararka Falastiin ayaa laga soo xigtey in Hamas iyo Fatah ay isku raaceen in Doorashooyiinka Dalkaasi laqabto Xeli ay jiraan Muran weyn oo u dhexeeya Dalalka Jaamacada Carabta iyo Falastiin.

Dhinaca Kale Afhyeen u hadley Ururka Xamaas oo layiraahdo Fowsi Barhoum   ayaa warbaahinta u sheegey in madaxda Reer Falastiin Kulan ay yee sheen kadib ay soo saareen in Doorashooyiinka si wadajir ah loo galo iyaga oo meel iska dhigeya wixii Khilaafaad ahaa ee u dhxeeyey.

Wararka qaar ayaa waxaa ay tibaaxayaan in Dowladda Turkiga ay Gadaal ka riixeyso  Nabadeynta Kooxaxa Falastiiniyiinta kadib markii dhawaan wufuud Xamaas iyo Fatah ka socda ay gaareen Caasimadda Dalka Turkiga ee Ankara.
   
Sida oo kale Jibril Rajoub oo ah Afhyeen u hadley Fataah ayaa waxaa uu, u sheegey Muuqaal baahiya Reer Falastiin in dhamaan dhinacyada ay dhawaan ku kulmi donaan magaalada Ramalah iyada oo ugu dambeyntiina halkaasi lagaga dhawaaqi dono Doorashooyiinka.



Post Views:
26



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .