Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 2, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Ciidamada Jubbaland oo gacanta ku soo dhigay qaraxyo iyo shaqsiyaadkii watay – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose ay ku fashiliyeen miinooyin ay Al-Shabaab dhulka ku aaseen.

Miinooyinka ayaa waxa ay sheegeen Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland in la geliyay wadada xiriirisa Goobweyn iyo Yoontooy oo ka wada tirsan Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxaay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen rag lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab , miinooyinkana aasay.

Inkasta oo aysan warbaahinta la wadaagin tirada iyo magacyada shaqsiyaadka ay soo qabteen, ayaa waxa ay sheegeen in ay ku wadaan baaritaanno.

Ciidamada ayaa weydiistay shacabka in ay ka garab istaagaan, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka .



Post Views:
191



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .