Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

December 2, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Banaanbax ka dhanka ah Ciidamada Kenya oo ka dhacay gobolka Gedo – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa maanta waxaa ka dhacay banana baxyo waaweyn, kuwaas oo ay dhigayaan dad shacab ah .

Dadkan shacabka ah ayaa ka cadheysan , dad shacab ahaa oo ciidamada Kenya ay ku dileen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Shacabka ayaa dalbanaya in ay helaan cadaalad, isla markaasina lagula xisaabtamo ciidamada Kenya falalka arxan darrada ah ee ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed ee reer Gedo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah ciidamada iyo dawladda Kenya.

Dhinaca kale maamulka degmada  Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hadlay arrintan, ayaa waxa ay qireen dhacdadan ka dhacday degmadaas, iyagoo sheegay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin fara badan ugu gaystaan Gedo shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dalbadeen in ay arrintan soo fara geliso.



Post Views:
213



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .