

Wararka dheerraad ah ayaa ka soo baxaya wadada Dheer ee iskuxidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay barqadii maanta Duleedka Muqdisho siiba deegaanka Weydow, sida ay wararku sheegayaan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaadhay illaa saddex qof, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.
Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaraxyo miino lala eegtaa xilliyada ay u socdaalayaan gobollada Shabeelooyinka ee dariska la ah caasimada Muqdisho.
More Stories
Soomaaliya iyo ISRAEL ma samaysan karaan xiriir siyaasadeed?
Daawo: Ciidamada Jubaland ‘oo dhibaato xooggan ka gaystay’ deegaan ay tageen
Beyle oo iska diiday inuu hortago Xeer Ilaaliyaha Qaranka