

Jowhar (Caasimadda Online) – Masuuliyiinta maamulka Hirshabelle ayaa dowladda dhexe ka codsaday in wax laga qabto amni darrada ka jirta deegaankooda kaas oo lagu beegsanayo madaxdooda.
Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa bilaabay beegsi dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ugu talagaleen xubnaha Hirshabelle, waxaana dhawaan lagu qaarijiyay Jowhar laba xubnood oo ka tirsan maamulkaas.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise ayaa soo jeedisay talo ay tahay iney raacaan masuuliyiinta maamulka si ay uga badbaadaan qatarta kaga imaan karta Al-Shabaab.
Canab Axmed waxey u sheegtay masuuliyiinta iney is hubeeyaan, sidoo kalana waxey ciidamada ammaanka ugu baaqday iney sameeyaan hawlgallo lagu sugayo amniga oo ka dhan ah kooxaha argagixisada.
“Xildhibaanada Hirshabelle waa iney qoryaha qaataan, is difaacaan, dib u milicsada guryahiina, banaanka soo dhiga dilaayada dariska idinla ah, waan ognahay ineysan nagu qabiil aheyn iyo ineysan ka imaan dibadda, aaway ciidamada galgalan jiray, gala guriyaha soo saara, soona qabta dilayaasha, sidaas hanaloo dhaamo” ayey cod dheer ku tiri Canab Axmed Ciise.
Sidoo kale waxey masuuliyiinta ugu sarreysa Hirshabelle ugu baaqday iney dib ugu laabtaan caasimadda, waxeyna falalkaan amni darrada kusoo aadayaa xilli ay soo dhawdahay doorashada guud ee maamulka Hirshabelle.
More Stories
Dil loo adeegsaday Tooreey oo goordhow ka dhacay Cabudwaaq. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Somaliland oo xukun ku riday Cabdimaalik Coldoon
Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Aduunka. – Radio Muqdisho