September 17, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Roob dabeylo wata oo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan Xeebaha Degaannada Puntland. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Wararka laga helayo deegaanno ka tirsan gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan  in laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Roob dabaylo wato oo duufaanno ah, kuwaasi oo gaysan kara khasaaro isugu jira Naf iyo Maalba.

War qoraal ah oo ka soo baxay  wasaarada beeraha ee maamulka Punland ayaa lagu sheegay in todobaadkan la saadaalinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Bari iyo Sanaag, islamarkaana ay ka dhalan karaan daadad lixaad leh oo khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba gaysan kara.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan.

Farriin digniin ah oo ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka cimilada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay todobaadkan la saadaalinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Bari iyo Sanaag, islamarkaana ay ka dhalan karaan daadad lixaad leh oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba gaysan kara.

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu digtay dadka dagan dhulka biya mareenka ah, togagga iyo meelaha hooseeya inay taxadar gaar ah sameeyaan, kana fogaadaan meelaha u nugul halista imaan karta, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.

Farriinta digniinta ah ayaa lagu sheegay in aan la sahashan saadaasha dhiillada leh, sidaas darteedna digniinta la gaarsiiyo bulshada gobolladaasi oo dhan, si ay diyaar garow uga sameeyaan xaaladaha la filan karo.



Post Views:
64



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?