Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Halkee marayaa heshiiskii kooxda Liverpool ay ku dooneysay saxiixa Thiago Alcantara?? – Gool FM




(Yurub) 17 Sebt 2020. Warbaahinta Ingariiska ayaa shaacisay daqiiqado ka hor maanta oo Khamiis ah arrin ku saabsan heshiiska ay Liverpool ku dooneyso inay kula saxiixato xiddiga khadka dhexe naadiga Bayern Munich ee Thiago Alcantara.

Saxafiga lagu kalsoon yahay ee James Pearce, isla markaana aad ugu dhow kooxda Liverpool, ayaa xaqiijiyay in kooxda heysata horyaalka Premier League ay si rasmi ah ugu dhaqaaqday saxiixa Thiago Alcantara.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaatay inay bixiso 30 million euros oo ah qiimaha ay codsatay kooxda Bayern Munich, ama qiimo ku dhow ee ah 27 million euros, si ay ula saxiixato Thiago Alcantara.

Dhamaan warbaahinta Ingariiska kuwooda loogu kalsooni dhowyahay ayaa shaaciyay warkan soo ifa baxay daqiiqado kahor ee ah inLiverpool ay u dhaqaaqday wadahadal si ay u soo afjarto heshiiska ay Bayern Munich kaga dooneyso Thiago Alcantara, saacadaha soo socda gudahood.

Yeelkeede, James Pearce ayaa sheegay in Liverpool ay kala heshiisay wakiilada Thiago Alcantara dhamaan shuruudaha shaqsiga ah iyo mushaarka ciyaaryahanka.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .