Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Goorma ayay xiddigaha Real Madrid ee Gareth Bale iyo Sergio Reguilon u duulayaan dalka Ingiriiska si ay ugu biiraan Kooxda Tottenham? – Gool FM




(Madrid) 17 Sebt 2020. Xiddigaha Real Madrid ee Gareth Bale iyo Sergio Reguilon ayaa u duulaya dalka Ingiriiska si ay ugu biiraan Kooxda Tottenham.

Labadan ciyaaryahan ee Gareth Bale iyo Sergio Reguilon ayaa u safri doonta Magaalada London berri oo Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 18 September si ay u dhammaystiraan ku biiristoo kooxda Tottenham Hotspur.

Bale ayaa xilli ciyaareed amaah ah ugu wareegaya Spurs, halka Reguilon uu heshiis joogto ah oo ku kacaya 30 milyan oo euro oo lagu daray gunnooyin ugu wareegayo kooxda ka dhisan Magaalada London.

Maanta oo Khamiis ah waxa ay ahayd maalintii ugu dambeysay ee Bale iyo Reguilon ay soo xaadiraan xerada tababarka Los Blancos ee Valdebebas, waxaana berri oo Jimce ah la arki doonaa iyagoo u duula magaalada London, markaasna waxa ay si toos ah u aadi doonaan xerada tababarka Spurs.

Wararka qaar waxa ay tilmaamayaan in xiddigahan ay macsalaameeyeen saaxiibadooda kooxda Real Madrid maadaama ay caasimadda Spain ka dhaqaaqayaan berri.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .