September 16, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Ciidamo gadoodsan oo xirtay inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo madaxtooyada – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Ciidamo gadoodsan ayaa maanta waxa ay jareen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan gadoodsan ayaa waxa ay ka cabanayaan mushar la’aan, iyagoo sheegay in muddo Saddex bilood ah aysan qaadan xuquuqdii ay lahaayeen.

Ciidamadan ayaa ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya, waxayna jareen isu-socodka wadada xariirisa taallada Daljirka Dahsoon iyo Isgoyska Jubba.

Mar ay la hadleen waxay sheegeen in ay soo faarujiyeen garoonka diyaaraha degmada Deyniile, halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen.

Marar badan ayaa waxaa sidaan oo kale magaalada Muqdisho gadood uga sameeyey ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka caban jiray xuquuq la’aan.



Post Views:
176



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?