Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 26, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DF oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Balcad – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Ciidamada Xoogga dalka ayaa la soo werinayaa in  ay dib ula wareegeen degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe, kadib markii Al-Shabaab ay saakay weerar ay ku qaadeen degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan Milatariga  oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay Al-Shabaab  ku qaadeen degmada Balcad, islamarkaana khasaaro xoogan  ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay u diyaarsanyihiin in ay Al-shabaab ka saaraan goobaha ay kaga suganyihiin gobolka shabeelada dhexe.

Dhanka kale Af-hayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu  ka hadlay dagaalka ka dhacay degmada  Balcad ee gobolka shabellada dhexe, isagoona sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Xaaladda magaalada Balcad ayaa hadda deggen, kadib weerar ay saakay waaberigii ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Al Shabaab, Kooxdii soo weerartay waxaa laga dilay 14 maleeshiyo ah, halka ciidamada Dowladda uu ka dhintay hal Askari, iyo dhawaca 7 qof oo shacab ah”.



Post Views:
82



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .