Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 26, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Bangiga Adduunka oo agaasime cusub u soo magacaabay Soomaaliya


Muqdisho (Caasimada Online) – Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa laga bilaabo 8-da bishan September loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda.

Keith oo ah aqoonyahan leh khibrad 30 sano ayaa bedalaya Carlos Felipe Jaramillo, kaas loo wareejiyey inuu noqdo ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Latin America.

Qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu sheegay in Keith Hansen uu gacan ka geysan doono, sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale iyo yareynta saboolnimada.

Magacaabistan ayaa timid xilli wadamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda ay wajahayaan saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka faafa ee Coronavirus.

Agaasimaha cusub ayaa horey shaqooyin iyo xilal kala duwan uga soo qabtay Bangiga Aadduunka, waxaana hadda la filayaa inuu xoogga saaro ka soo kabashada Covid-19.

Bangiga Adduunka ayaa si weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo dhowaan ugu deeqay lacago badan oo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .