
Muqdisho-KNN-Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen sagaal xubnood oo wasaaradda caddaaladdu ay u soo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.
Qodobka 111-aad ee dastuurka dalka ayaa tilmaamaya dhismaha 9-ka xubnood ee guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, kaas oo sida la sheegay laf-dhabar u noqanaya howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha kale ee hey’adaha dowladda.
Magacyada xubnaha guddiga ayaa kala ah.
1 –Maxamed Cabdikariim Ibraahim,
2 –Cabdiweli Axmed Cumar,
3 –Dr. Xasan Khaliif Xasan,
4 –Maxamed Xuseen Xaamud,
5 –Saciido Maxamed Xaashi,
6 –Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan,
7 –Cabdullaahi Sh. Abuukar,
8 –Khadar Axmed Diiriye, iyo
9 –Saamiya Siciid Xuseen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21/09/2019 waxuu saxiixay sharicga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay, waxaana xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta golohu meel mariyay loo gudbinayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
Post Views:
106
More Stories
WARKA DUHUR 1:00PM (19-08-2022) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay – Radio Muqdisho
Ma laga maarmay shaqadii loo diray Cabdiraxman Cabdishakuur?