Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

August 19, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Weerar ku bilaawday qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday Janaay-Cabdalla – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Kismaayo-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar is-miidaamin ku bilaawday maanta ku qaaday deegaanka Janaay-Cabdalla oo 60-KM dhanka bari uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa ku bilaawday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa, waxaana lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay-Cabdalla.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur, waxaana gaariga qarxay xigay weerar toos ah oo lagu qaaday saldhigaas oo maalmo ka hor lagala wareegay Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa qortay in ururku uu sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas iyo weerarkii ka dambeeyay, iyagoo guulo ka sheegtay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen afar askar Mareykan ah iyo 16 kale oo kuwa Soomaaliya ah.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka weli kama aysan hadlin weerarkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in tiradaas ay ku dhimatay.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Kismaayo Cabdi-Majiid Cabaas Aadan ayaa warkan noo soo diray.



Post Views:
150



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .